TPLF oo soo bandhigtay maxaabiis ay ka qabatay Ciidanka Itoobiya (VIDEO)

Kooxda TPLF ayaa bartamaha magaalada Mekelle kusoo bandhigay kumanaan maxabiis ah oo ay ka qabteen Ciidammada Dowladda Federaalka Itoobiya, intii uu socda dagaalkii Gobalka Tigray.

Kumanaan Shacab ah oo isugu soo baxay waddooyinka Mekelle ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Xukuumadda Abiy Ahmed iyo maxaabiista lasoo bandhigayay.

Talaabada ay TPLF kusoo bandhigtay maaxaabiista Ciidanka Itoobiya ayaa imaanaysa xilli dhowaan Abiy Ahmed Ali, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo saxaafadda la hadlayay ayaa beeniyay in la jabiyay Ciidammadiisa.