Dagaal ka qarxay xaafado kamid ah magaalada Beledweyne

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyo taabacsan General Xuud uu ka bilowday xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jebis kadib markii ay gudaha u soo galeen maleeshiyaadka taabacsan General Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka balse xaalada ayaa degen haatan. Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo diidmada ay diidan yihiin kooxda uu hoggaamiyo General Abuukar Xuud kulan maanta la qorsheeyay inay golaha wasiirada Hirshabelle ku yeesheen magaalada Beledweyne.

Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews.