Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Nairobi

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, halkaas oo kulamo kula qaadan doono Wakiilo kamid ah Beesha Caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo Siyaasiyiin.

Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa kulamo la qaatay Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan.

Idilnews