Puntland oo laga daah-furay mashruuca Waxbarashada ee IFIYE Foundation (Sawirro)

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan ayaa xalay ka qaybgalay munaasabada daahfurka mashruuca IFIYE Foundation, oo si hordhac ah loogu bilaabayo dhismaha Xarunta Computer-Labka dugsiga sare ee Gambool.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdulaahi Maxamed Xassan, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen ahna madaxa Mashruuca waxbarashada ee Ifiye, Wasiiro katirsan Golaha Wakiillada, Wasiirro, qurbojoog iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.

Mashruucan oo la bilaabay bishii Maarso ee sanadkii hore 2020 ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawladda iyo qurbajoogta Puntland, isagoo xooga xoogga saarayaa in Kambiyuutaro loo soo iibiyo Ardayda 18 dugsi oo iskugu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamanka ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo qurbajoogta gacanta ka geysanaysa, isagoo ku booriyey in laga qayb qatao barnamaijyada kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland.

Idilnews