Wasiirada Caafimaadka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo ka furmaya Garoowe (VIDEO+Sawirro)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawldada Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo uu weheliyo wasiirkuxigeenka wasaaradda agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa kusoo dhaweyay garoonka diyaaradaha Gen- Mohamed Abshir Muuse ku soo dhaweeyay wafti ka socda Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaliya iyo wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka.

Wasiirka Jamac Farax Xasan oo soo dhawaynta kadib hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa yiri:-

“Waxaan si kalgacal leh idinku soo dhaweynayaa Wasiir Foziya iyo wasiirkada caafimaadka dawlada xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaliya magaalada Garowe waxaana idinka mahadcelinayaa kasoo qaybgalkiina shirka caafimaadka ee dalka oo maalmaha soo socda ka dhacaya Puntland.”

Wasiir Fosiyo Abukar oo hadalka qaadatay ayaa tiri:-

Mudane Wasiir adiga iyo masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Puntland soo dhawaynta aad halkaan noogu samayseen aniga iyo waftiyada kale ee ka socda dawlad goboleedyada dalka oo aan Garowe u nimid inaan ku qabano shirka maalmaha soo socda halkaan ka dhacaya, shirka ayaa daba socda midkii Dec-2020 ka qabsoomay magaalada Muqdisho kaasoo dib loogu eegayo wixii ka qabsoomay iyo waxa dhiman.”

Wasiiradda ayaa ka qaybgalaya shirka caafimaadka dalka oo ka dhacaya Garoowe maalmaha soo socda.