Boorame: Booliska Somaliland oo toogtay Arday kasoo jeeda Puntland

Askari kamid ah Ciidanka Booliska Somaliland ayaa bartamaha jaamacadda Camuud we magaalada Boorame ku toogtay Ibraahim Cabdishakuur Salaad, oo kamid ahaa Ardayda Jaamacadda, kana soo jeeday deegaanada Puntland.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Marxuumka, Goobjoogayaal ayaana sheegay in dilka Marxuumka uu yimid kaddib markii uu kusoo labistay dhar baluug ah oo ka turjumaya calanka Soomaaliya.

Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa ka tacsiyeeyay dilka Marxuumka oo kamid ahaa Ardayda barata kuliyadda Injineerinka, Waxaana ay fasaxeen maalinimada berrito ah dhamaan ardayda.

Idilnews