Madaxweyne Laftagareen oo kulamo ka bilaabay Dalka Nigeria (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay xilli dambe gaaray Dalka Nigeria.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa casuumaad ka helay madax ka tirsan Dowladda Nigeria, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria Jamaal Maxamed Barow ayaa sheegay in Madaxweyne laftagareen uu casuumaad rasmi ah la helay Guddoomiyaha ismaamulka Kaduna ee dalka Naigeria.

Wararka ⁸ayaa sheegaya in Madaxweyne lafatagareen uu ka bilaabay dalka Nageria kulamo kala duwan, isaga Madaxda Ismaamulka Kaduna ay ka wada hadlayaan isdhaafsiga waaya aragnida iyo wixii ay is dheer yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Nageria waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda dalkaas iyo Bulshada Soomaalida ee ku nool dalkaas.