Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 42 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa qeybinta Wax-ka-bedelka xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland, kaas oo la sameeyey 1999-kii.

Wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo lagu wareejiyey Guddiga iyo Shuruucda Cadaaladda si ay ugu soo sameeyaan akhrinta 2aad, waxaana Golaha la horkeeni doona maalinta sabtid ah oo taariikhdu ku beegan tahay 10.Luulyo.2021, hadii Alle idmo.