Shir looga hadlayo dardar-gelinta Amniga Gobalka Bari oo ka dhacay Boosaaso (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta waxa uu shir Guddoomiyay shirka Bilaha ah ee Golaha Hormarinta Gobolka Bari.

Shirka ayaa waxa looga hadlay arrimaha horumarinta Gobolka oo ay ugu horeeyaan Amniga, Cafimaadka, dhisada daladda Dhalinyarada Gobolka Bari, u diyaar garowga Doorashooyinka, Iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda hormarineed ee ka socda Gobolka.

waxa ka soo qeyb galay shirka Guddoomye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Isu-Duwayaasha wasaaradaha ka howgala Gobolka Bari, Saraakiisha laamaha Amaanka Gobolka Bari, waxa uuna kusoo dhammaaday shirku si guul ah waxaana la isla garty in si adag looga wada shaqeeyo Hormarka Gobolka Bari.