VIDEO: Sidee u dhacday doorashada Golaha deegaanka degmadda Bandar-bayla ?

Degmada Bander-Bayla ee Gobalka Karkaar waxaa ka qabsoomtay Doorashada Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Bayla iyo Wacyi galinta Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland.

Ugu horeyn Xildhibaanadda Cusub ee Gollaha Deegaanka Degmada ayaa lagu dhaariyey Goobta Doorashada, intaas kadibna waxay xildhibaanada u dhaqaaqeyn Codeynta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada.

Doorashada Gudoomiyaha Ayaa waxaa ku tartamayey hal musharax oo lagu magacaabo Cabdirashiid Yuusuf Cali waxaana Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bayla si gacanta taag ah ugu doorteen Gudoomiyaha Degmada.

Intaas kadib waxaa loo dhaqaaqay Doorashada Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka waxaana isku soo sharxay laba Musharax oo kale ah Saciid Faarax Warsame, oo helay 13 Cod Iyo Ayaanle Cali Axmed, oo helay 10 Cod waxaana Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bayla Guddoomiye ku xigeenka u doorteen saciid Faarax Warsame.

Munaasibada Doorashada waxaa Goob joog Ahaa Wasiir ku Wasaaradd Arrimaha Gudaha Faderaal iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Karkaar, Agaasimaha waaxda maareynta masiibooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Karkaar, Taliyaha Ciidanka madaxtooyada Qardho, Iyo Qeybaha kale duwan ee Bulshada degmada Bander-Bayla Bayla.