Dowladda Hoose ee Qardho oo lagu wareejiyay Maamulka Waxbarashada degmadda (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee dawlada Puntland Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa si rasmi ah degmada Qardho ugu wareejiyay maamulka xarumaha waxbarashada ee degmada Qardho, iyadoo hadda ka dib gudoonka waxbarashada degmada Qardho iyo Maamulka dawlada hoose ay wada-shaqayn doonaan.

Qorshahaan ayaa qayb ka ah barnaamij tijaabo ah oo wasaarada waxbarashada dawlada Puntland ay hormuud u tahay kaas oo lagu samaynayo maamul daadejin la xiriirta in degmo kasta ay maamusho adeegyada aasaasiga ah.

Wasaarada Waxbarashada ayaana yeelan doonta dawrka Maamulka Manhajka, Imtixaanaadka guud iyo Kormeerada, waxaana hadda si hordhac ah barnaamijkaan loogu bilaabay dhawr degmo oo ay ka mid tahay Magaalada Qardho.

Idilnews