Guddiga Doorashada heer Puntland oo doortay Guddoomiye iyo kuxigeen

Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed ee Puntland ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Cabdikariin Muuse Maxamed, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland waxaana uu helay codadka 11 Xubnood ee Guddiga.

Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka Guddiga ayaa loo doortay Caynaanshe yuusuf Xuseen.

Idilnews