Khilaafka Masar iyo Itoobiya ee biyo-xireenka Nile oo sii xoogeystay

Wasiirka waraabka dalka Masar ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad.

Masar ayaa dhinaceeda ku wargalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar.
Masar waxay u aragtaa in biyo-xireenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda.

Suudaan, oo ah wadan kale oo arrintaan khuseyso ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo-xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biyo-xireenkeeda iyo xarumaha biyaha.

Baaxadda biyaha uu qaadanayo biyo-xireenkan waxay ku xirnaan doontaa xaddiga roobabka ka da’a Itoobiya. “Ma aragno wax saameyn ah oo hadda laga dareemayo Webiga Nile. Waxay qaadaneysa bil ama bil iyo bar” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar oo la yiraahdo Maxamed Ghanim u sheegay telefishanka maxalliga ah ee dalkaas.
Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu saasaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Itoobiya ayaa sheegtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo muddo dheer ay maamulayeen waddamada dariska la ah.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Khartoum ayaa Axaddii sheegay in Masar iyo Suudaan ay horeyba u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo-xireenka la buuxinayo, arrintaasna aan la geyn Golaha Amnaanka, maadaama aysan aheyn arrin ku saabsan nabada iyo amaanka.

Reuters/VOA