Midowga Musharaxiinta “Farmaajo ha iska-casilo kursiga uu sharci-darada ku joogo”

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaldda iyo wararka la xiriira dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay “in lasoo sheegay in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen” dagaaladii sokeeye ee Ethiopia oo ka dhacayey gobloka Tigray.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu dambeyn sheegay inay ugu baaqayaan madaxweyne Farmaajo iska casilo xilka, umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale, ayaga oo sababtana ku sheegay “inuu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka,” sida war-saxaafadeedka lagu yiri.