Puntland oo baaq ku aadan Ardaygii lagu dilay Boorame u dirtay Somaliland

Madaxtooyadda Puntland ayaa ka hadashay dil galinkii dambe ee shalay uu Askari kamid ah Ciidanka Booliska Somaliland ugu geystay gudaha Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame Ibraahim Salaad Ibraahim, oo kamid ahaa Ardayda dhigata Jaamacadda ee kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jama Deperani, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay Somaliland inay cadaaladda horkeento Askarigii ka dambeeyay dilka Marxuum Ibraahim.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland.

Alle ha u naxariisto Ibraahim Salaad Ibraahim oo lagu dilay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame, wuxuu ahaa ardey Soomaaliyeed oo wax ku baranayey magaalo Soomaaliyeed.

Soomaaliya meel walbo waxaa ka jira maamul wuxuu doonaba ha aaminsanaadee, koley uun waa dad Soomaaliyeed, waxaan ka rajeyn nidaamka halkaasi ka jira inuu Ibraahim Cadaalad ku helo, si loo illaaliyo badqabka dadka Nugul oo ay ardeydu ka midtahay.

Waxaan la dareen ahay dhammaan ardeyda Soomaaliyeed gaar ahaan ardeyda Puntland, waana uga tacsiyadeynayaa geerida Ibraahim yare, si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday. Marxuumka alle janadii ha geeyo.
Aamiin.

Idilnews