Puntland oo ka hadashay dilaa ka baxsaday xabsiga magaalada Qardho (VIDEO)

Taliska Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland ayaa ka hadashay Xukumane dil ka geystay Gobolka Sool oo ka baxsadey xabsiga weyn ee Magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar.

Afhayeenka Ciidamada Asluubta Puntland Gashanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi “Xarago” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo dil togasho ah ku xukumanaya uu ka baxsadey xabsiga weyn ee Magaalada Qardho, kadib markii loo qaadey isbitaal si lagu soo dabiibo.

Xukumane Axmed Cabdi ayaa horey waxaa uu nin ugu diley Magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool kaas oo ay shaqo wadaag ahayeen, Maxkamadaha Puntland ayaa dil togasho ah ku xukumay.

Afhayeenka Cabdirisaaq ayaa beeniyey in dowladu sii deysay xukumanahas wuxuuna si caad u sheegay iney ka danbeeyen ciidamada ka xeeyey ayna xiran yihiin marka laga reebo hal askari oo baxsadey.