Puntland oo ku dhawaaqday waqtiga ay dhacayso doorashada qof iyo codka ah (VIDEO)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in 25 bisha October-2021, la qaban doono doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl, oo ka kala tirsan Gobalada Karkaar, Bari iyo Nugaal.

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Guddiga ee Garoowe ayaa ugu baaqay Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl, inay u diyaar-garoobaan soo doorashada dadka ku matalaya Maamulka degmooyinkooda.

Guddiga ayaa dhowaan shaaciyay in 46,187 ay isku diiwaan-galiyeen doorashada qof iyo codka ah ee ka dhacay saddexda degmo, kuwaas oo dhowaan loo qeybin doono kaararka codeynta.

Idilnews