Puntland oo wada dhismaha Dallada dhalinyarada Gobalka Bari (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo Agaasimaha guud Axmed Cabdalla Tigaaga ayaa kulan la qaatay Dhallinyarada Gobolka Bari.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlaayey Qabashada Dallada Dhallinyarada Gobolka Bari oo ka dhacaysa Magaalada Bosaaso, Agaasimaha waaxda Dhallinyarada Deeqa jaamac ayaa la wadaagtay Ururada Dhallinyarada shuruudaha musharaxiinta Gudoomiyaha iyo ku xigeenadooda laga rabo iyo xubnaha ka qayn gelaaya codaynta Hogaanka Dhallinyarada Gobolka Bari.