Saxmad badan oo laga dareemayo Dekedda magaalada Boosaaso (VIDEO)

Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland ayaa laga dareemayaa saxmad aad u sareyso, waxaana dekedda xilligii habeenkii ah ka soconaya dhoofka xoolaha loo iibgeynaayo wadamada khaliijka, xilli wakhti kooban ka harsan tahay ciidda Carafo.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), oo xalay kormeeray dekedda ayaa bogaadiyay Maamulka Dekedda, isagoona sheegay in xoolo gaaraya 50 kun oo neef laga dhoofiyay xalay oo kali ah.