Shir looga hadlayo hormarinta Tacliinta Sare Puntland oo ka socda Garoowe (VIDEO)

Shirka wadatashiga ee Tacliinta Sare ee  Dowlada Puntland ayaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kass oo looga hadlayo Hormarinta Tacliinta Sare ee Puntland.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa socon doona muddo safar maalmood ah, waxaana ka qeybgalaya Masuuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socda Jaamacadaha Puntland iyo Aqoonyahano ka kala yimid gudaha Puntland iyo dalka dibediisa.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in maalmaha uu socdo Shirka looga hadli doono Hormarinta Tacliinta Sare ee Puntland iyo jiheynta Ardayda ka baxda dugsiyadda sare.