Wasiir Fowziya oo booqatay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaliya Dr Foosiyo Abikar Nuur oo ay weheliyaan wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaliyaa ayaa booqasho ku yimid xarunka dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland.

Wasiiradda ayaa waxaa xarunta wasaaradda kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda iyo wasiirkuxigeenka iyo wasiirudawlaha wasaaradda agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha wasaaaradda, waxay kormeereen qaybaha qaboojiyaasha, dawooyinka iyo qaybta ka jawaabta wicitaanka Covid19 ee wasaaradda.

Wasiiradda aya ku amaantay waxa ay ku aragtay wasaaradda iyo shaqada ka socota wayna uga mahadcelisay masuuliyiinta wasaaradda hawsha ay wadaan.

Booqashada wasiiradda ayaa ku soo aadaysa iyadoo Garowe maalintii labaad shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka xukuumada federaalka Soomaliya.