Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya oo maalintii labaad ku shirsan Garoowe (VIDEO)

Shirka Wada-tashiga Caafimaadka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Waxaana Shirka ka qeybgalaya Wasiirada Caafimaadka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Shirka oo ay martigalineyso Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa qorshuhu yahay inuu socdo muddo saddex berri ah, waxaana diirada lagu saaraya waxa ka qabsoomay nidaamka Caafimaad ee Dalka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa Hormarinta Caafimaadka Dalka.

Wasiirka Caafimaadka DFS Drs. Fowziya Abiikar Nuur, oo la hadlaysay furitaanka Shirka ee Isniintii ayaa sheegtay in Shirka lagu gorfeyn doono marxalada Caafimaad ee Dalka.

“Waxaan galaynaa saddex maalmood oo shaqo adag ina hortaalo loogana hadlayo maxaa inoo qabsoomay maxaa inaga qabyo ah iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn wixii aan wada leenahay wixii aan kala leenahay aad nala wadaagtaan, waxaan ognahay awooda dawladaha xubnaha ka ah aysan isku mid ahayn xaga caafimaadka, waxaan rajaynayaa saddex bari inaan juhdi badan ku bixino sidii aan natiijo wax ku ool ah uga soo saari lahayn”.

Idilnews