Akhriso: Maxaad ka taqaan Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ?

Maxamed Xasan Cirro, Waa ninka loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, kaddib doorasho ka dhacday Isniintii Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dalka keenay oo Tigidka iyo Hotelka ka bixiyay Fahad Yaasiin markii danbana ka dhigay Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka ee laga hor yimid.

Balse gadaal ayay uga gurteen kooxda Fahad oo waxay u arkeen Nin aad ujilicsan oo aan waxba socod siin karin.

Dadaal waxay ugaleen in ay helaan Qof ay ku badashaan waase waayeen cid ay ku qancaan oo leh astaamihii ay rabeen.

Kadib waxay go’aansadeen in sy isaga sii wataan oo taageeraan musharaxnimadiisa markale iyo Gudiga.

Kooxda Fahad waxay adeegsadeen Sadex qorshe oo ay kusoo saarayeen Ninkan,kuwaasoo kala ahaa…

1.In ay min 3000 oo dolar Xubnaha Gudiga uqaybiyaan.

2.In ay suuqa geliyaan ma wadano oo waa nacnay waa jilicsan yahay waxba ma dhaqaajin karo Ninkan.

3.Musharaxa kale,ayaa noo ah Plane A.

Liibaan Shuluq waa Ninka la tartamay Cirro,waana ganacsade aan aqoon maa’idi lahayn oo masraxa siyaasada uu horay usoo gashay Cabdikariin Guuleed.

Qoor-qoor iyo siyaasiyiin kale oo reer Galmudug ah,ayaa iyaguna bari taarayay,waase looga adkaaday Codadkii.

PL iyo JL”

Waxaa loo xil saaray in ay la socdaan Doorashada oo ay u olaleeyaan Qof ay wataan Labada Wasiir ee kala ah Dhabancad iyo Jire .

Nasiibdaro waxay muujiyeen jileec,kala daadsanaan,iyagoo daawanaya,ayuu dib usoo baxay Gudoomiyihii Fahad watay,isagoo waliba ku guulaystay Codadkii PL iyo JL.

Dhabancad iyo Jire waxay ku guuldaraysteen in ay Musharax keensadaan ama mid sharaxan garab siiyaan.

Waxaa la oran karaa Doorashadii Gudoonka Gudiga Doorashada PL iyo JL waa dayaceen,gaar ahaan Labada Wasiir ee loo xil saaray.

Ugu danbayn Gudoomiye Cirro,waxuu kusoo baxay musuq cad oo laaluush lagu bixiyay mana noqon doono Masuul shaqo daacad ah Umada uqabta.

Jibril Qoobey