Booliska Koonfur Africa oo diiday inay soo xiraan Jacob Zuma

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in aysan sameyn doonin wax tallaabo ah oo ay ku soo qabanayaan madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma, oo dhowaan lagu xukumay 15 bil oo xabsi ah, islamarkaana ay sugayaan inta uu si buuxda uga dhammaanayo dagaalka dhanka sharciga ah ee uu ku jiro.

Zuma ayaa qaaday laba tallaabo oo uu ku doonayo in uu kaga fogaado inuu xabsi galo kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaasi oo ah tan ugu sarreeya ee leh maamulka caddaaladda ay toddobaadkii hore xukun xabsi ah ku ridday.

Waxaa loo sheegay in uu si iskiis ah u yimaado xabsiga saqda dhexe ee habeenkii Axadda, iyadoo hadduu uu ku guuldareysto booliiska la amray in ay ku soo xiri karaan saddexda cisho ee ku xigta.

Jimcihii ayaa Zuma oo 79 jir ah waxa uu tagay maxkamadda si uu u joojiyo fulinta amarka xarigiisa ah. Dalabkan ayay maxkamadda sare ee Pietermaritzburg ay dhageysatay Talaadada. Maxkamadda ayaa go’aan soo saari doonta Jimcaha.

Zuma ayaa sidoo kale ka codsaday maxkamadda dastuuriga ah in ay dib u eegto oo ay baabi’iso xukunka xabsi. Dacwaddaas ayaa iyana lagu wadaa in ay maxkamaddu dhagaysato 12-ka july.