Guddiga sare Warbaahinta Puntland oo doortay hoggaan (Sawirro)

Gudiga sare ee warbaahinta Puntland ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horeeyey kaas oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka ee dawlada Puntland Mudane, Cabdullahi Xirsi Timacade.

Shirka ayaa maanta lagu doortay Gudoomiyaha gudiga sare ee warbaahinta Puntland oo loo doortay Fartuun Cali Liig oo ka socotay dallada Punsa waxaana gudoomiye kuxigeen loodoortay Maxamed Ciise Cismaan agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Sidoo kale, Xoghayaha Guddiga ayaa loo doortay Abdikani Hayir oo kasocday ururka warbaahinta Puntland ee MAP. shaqada ururka sare ee warbaahinta Puntland ayaa la filayaa in ay dhawaan si degdeg ah u bilaabato.