Kheyro oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal (Sawirro)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS ahna Musharax Madaxweyne Hassan Ali Khaire, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro iyo xubno kale oo kamid ah Guddiga.

Labada dhinac ayaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.