Puntland oo ka jawaabtay eedeyn uu u jeediyay Wasiir Jamaal MD Deni

Madaxtooyadda Puntland ayaa si adag uga jawaabtay qoraal uu Twitter-kiisa ku qoray Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni inuu yahay musharax is qarinaya.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Deperani ka jawaabayay hadalkii Maanta ee Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa yiri”Wasiirka Jamaal Qoraalkaaga kama duwana kuwii hore ee aad u adeegsan jirtay hurinta colaado iyo isku dhacyo ka dhaca Puntland”.

“Puntland waa dowlad jirta 23 sano, horey u qabatay doorashooyin heer gobol & heer federaal ah, oo qeybtood hal cod lagu kala adkaaday”

“23 sano kadib oo biseyl iyo qaangaarnimo ka Muuqato Puntland, waa nasiib daro inaad iskudaydo inaad sawir xun ka bixiso Puntland iyo dadkeeda! Taariikhda ayaa is qoraysaa!“