Shirka Wada-tashiga Caafimaadka Dalka oo maanta lagu soo gaba-gabeynayo Garoowe

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Garoowe ee Caasimadda Shirka Wada-tashiga Wasiirada Caafimaadka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo socda muddo saddex berri ah.

Shirka oo ay ka qeybgalayaan Wasiirka Caafimaadka DFS Drs. Fowziya Abiikar Nuur iyo Wasiirada Caafimaadka Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, ayaa looga tashanayay xaalada Caafimaad ee Dalka, gaar ahaan guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo sidii Dalka looga samata-bixin lahaa cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Shirkan ayaa qabsooma 6 bilood kasta waxaana lagu qabtaa magaalo madaxyada dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaaliya.

Idilnews