Shirweynaha Tacliinta Sare ee Puntland oo lagu soo gaba-gabeeyay Garoowe (VIDEO)

Waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Shirweynaha Hormarinta Tacliinta sare ee Puntland, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland.

Shirweynahan oo socday muddo saddex berri ah ayaa si weyn loogu gorfeyay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada jaamacadaha Puntland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Mudane C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay hormarinta tayada waxbarasho ee Jaamacadaha Puntland.