Sidee u dhacay xukunka dilka ah ee Puntland ku riday 8 xubnood oo Al-Shabaab ah ? (VIDEO)

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.