VIDEO: Shirka Caafimaadka Soomaaliya oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garoowe (Sawirro)

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaliya, shirkaan oo ay martigalisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa soconayay saddex maalmood waxana intii uu socday dib loogu eegay laguna lafaguray sidii la isku kaashan lahaa loona hormarin lahaa caafimaadka dalka.

Shirka waxaa maanta ku soo biiray hay’addaha caalamiga ah kuwa wadaniga ah iyo qaar kamid ah macaahidda cilmi baarista Puntland, waxaa sidoo kale qaabka Onlineka ah uga qaybgalay qaar kamid ah wakiilada wadamada taageera caafimaadka Soomaliya.

Shirka ayaa ku bilawday presentations ku saabsan qaabka diyaarinta Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda Caafimaadka ee 3 dexaad (HSSP-III), si ay ugu qeybtaan, uguna biiriyaan fikirkooda iyo taladooda taasoo gundhig u ah shaqada ay qaban doonaan khubaradda diyaarinay Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda Caafimaadka ee 3 dexaad (HSSP-III),Sidoo kale Xirmooyinka Caafimaadka aasaasiga ah- (EPHS), Qorshaha maalgalinta caafimaadka (IC).

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa xusay muhiimada uu lahaa shirkaan iyo in la iskaga xog waraystay qorshayaasha caafimaadka dalka, waxaa sidoo kale wax la iska weydiiyay guulaha la gaaray caqabadaha jiray shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wasiirka caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Marwo Foosiyo Abikar iyo wasiiiradda dawlad goboleedyada kaso qaybgalkooda shirka iyo inay wax badan ku darsadeen kana go’antahay sidii si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa caafimaadka dalka.

Wasiirka wasaraadda caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaliya Marwo Foosiyo Abikar Nur oo shirka soo xirtay ayaa dhankeeda xustay muhiimada shirkaan wadatashiga uu ulahaa dalka iyo shacabka Soomaliyeed, waxay dhankeeda uga mahadcelisay dadaalkii iyo garab istaagii ay sameeyeen masuuliyiinta wasaaradda iyo siday ugu fududeeyaan in shirkaani uqabsoomo sidii ugu quruxda badnaa.

Wasiirka aya hoosta ka xariiqday in shirkaan uu ka soo baxay qorshe si wadajir ah loogu hogaamin doono laguna hormarin doono caafimaadka dalka.

Waxay hay’addaha caalamiga ah iyo wadamadada ka shaqeeya ama taageera caafimaadka Soomaliya fartay inay ugu danbeeyaan wasaaraddaha caafimaadka ee dalka ka jira baahiyaha ay soo gudbiyaana ay wax kala qabtaan.

Ugu danbeyn waxay sheegtay in shirkaan midka xiga lagu qaban doono Juballand uuna martigaliyay wasiirka caafimaadka Juballand.