VIDEO: Sidee Ra’iisul Wasaare Rooble loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa si weyn loogu dhaweeyay magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweyne ku-xigeenada, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed.