Wasiirka Qorsheynta DFS oo eedeeyn u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, in uu dib u dhigayo murashaxnimadiisa uuna doonaya in uu saameyn ku yeesho doorashooyinka xubnaha Puntland.

Wasiir Jamaal oo ah xildhibaan katirsan Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday, lagana soo doorto deegaanada Puntland ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa  waxa uu ku yiri “Iyadoo Saed Abdulahi Deni uu daahiyay ku dhawaaqida musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho una xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya puntland, odayaasha beelaha, wakiilada iyo musharaxiinta baarlamaanka ayaa dhamaantood muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay, cagajugleynta iyo faragalinta uu ku hayo doorashada.”

Jamaal Xasan, oo kamid ah saaxibada Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in uu faraha kala baxo guddiyada doorashooyinka haddii uu doonayo inuu dalka madax ka noqdana uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.