Akhriso: Puntland oo ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka dugsiyadda Sare

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa ku dhawaaqday Tobanka Arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare ee Puntland 2020-2021. Yacquubka Mursal Yuusuf oo dhiganayay Iskuulka Boosaaso Public ayaa noqday ardayga kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka.