Jacob Zuma oo habeenkii ugu horeeyay ku hoyday xabsi

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa isu dhiibay booliiska si uu u bilaabo xukun xabsi ah oo ku saabsan quursiga Maxkamadda.

Waxaa loo kexeeyey xabsi ku dhow gurigiisa oo ku yaal gobolka KwaZulu-Natal goor dambe oo Arbacadii ah, sida ay sheegtay hay’addiisu.

Booliska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xiraan 79 jirkaan haddii uusan isa soo dhiibin isla maalintaas.

Mr Zuma ayaa toddobaadkii hore lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ka dib markii uu ku guurdarraystay in uu ka qayb qaato baaritaan musuqmaasuq.

Xukunka ayaa dood sharciyeed oo aan horay loo arag ka dhaliyey Koonfur Afrika, ayadoo waqti kama dambays ah loo qabtay soo xiritaanka Zuma oo ku aaddanaa Arbacadii 22:00 GMT.

Waqtiga loo qabtay ayaa lagu soo rogay ka dib markii Mr Zuma uu diiday inuu is dhiibo Axadii.