Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray Ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka D/Sare

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa hambalyo u diray Ardeyda Dugsiyada Sarre ee Puntland, gaar ahaan Tobanka Ardey ee sanadkan Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad.

“Waxaan u hambalyeenaya Ardeyda Dugsiyada Sarre ee Puntland, gaar ahaan 10-ka Ardey ee sanadka Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad.”

“Waxaan dhammaantood u rajeynaya mustaqbal wanaagsan iyo inay ka mirro dhaliyaan aqoonta la baray iyo dadaalka waalidiinta iyo macalimiintoodu ku bixiyeen.”

“Waxbarashadu waxay noogu jirtaa waxyaabaha ay Dowladdu masuuliyadda dheeriga ah iska saarto, maadaama Ardeyda maanta ay yihiin mustaqbalkii dalkeena, iyadoo adduunka uu ka jiro COVID-19 waxaa inoo suuragashay in aan Casharadu baaqan oo ardeydu kala socoto Tv-ga iyo aaladaha kale ee Online-ka ah, ugu danbeyna waxaa lagu guulaystay in la qaado Imtixaanaadkii, waxaan bogaadinaya Wasaaradda Waxbarashada iyo masuuliyiintooda heer Gobol iyo Degmo shaqada wanaagsan ee ay qabteen.”

Idilnews