Puntland oo shaacinaysa maanta Natiijada Imtixaanaadka dugsiyadda Sare

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqaysa Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee dawladda Puntland 2020-2021.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada sare ee Puntland, macallimiinta iyo waaliddiintaba in maanta oo khamiis ah, taariikduna tahay 8da bisha Julay 2021, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland, saacaddu marka ay tahay 14:00 pm ama labada duhurnimo.”

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhamaan ardayda inay is-dajiyaan, ayna si degan ula socdaan natiijada Imtixaanka, iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka.

“Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyaga oo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana shirkadda Golis 299, ama web-ka Wasaaradda ayaa ay ardaydu ka daalacan karaan natiijada imtixaanka sida www.moepuntland.com.”

“Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajaynaynaa ardayda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.”