Sawirro: Rag Burcad ah oo lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho

Ciidamada booliska degmada Kaaran oo kaashanaya Maamulka degmada ayaa howlgal amniga lagu xajiininayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay waaxda jamhuuriya ee degmadaasi Kaaraan.

Howlgalka ayaa mas’uuliyiinta Maamulka degmada waxaa ay sheegen inay kusoo qabteenb Burcad Hubeysan oo dhac u geysanaayen Bulshada Degmada kaaraan Iyo Gabar Cunug kasoo xaday Magalada Jowhar.

Ragga burcadda ah ayaa watay Mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah, waxaana dadka Shacabka ah ay ka dhacayeen Mobeelada, taas oo keentay inay cabasho u gudbiyaan Maamulka degmada.

War kasoo baxay Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa loogu baaqay Bulshada k nool degmadaas inay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka si loo sugo Amnigooda.

Degmada Kaaraan ayaa waxa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay kajirtay cabasho la xiriira Kooxo Burcad ah dadka Shacabka ah dhac u geysanaya.