VIDEO: Booliska Gobalka Mudug oo la wareegay gaari cusub (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cadiladiif Muuse Nuur ayaa Jaaliyada Minnesota ee Gobolka Mudug kala wareegay gaari Cusub oo ay ugu talagaleen in uu qayb ka qaato sugida Amniga Gobolka Mudug sidoo kale Gudoomiyaha ayaa isla munaasibada gaarigii ugu wareejiyey Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Saraakiil iyo saraakiil Xigoono iyo Taliyayaal.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey dhamaan jaaliyadaha Gobolka Mudug taakulada iyo garab istaaga sugida Amniga si gaara Gudoomiyaha ayaa ugu Mahadceliyey Jaaliyada Minnesota ee Gobolka Mudug Gaarigan Cusub ee ay ugu talagaleen in uu qayb ka qaato Sugida Amniga.