VIDEO: Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Dayac-tir iyo casriyeyn lagu sameynayo (Sawirro)

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa maanta daah-furtay dayactir iyo casriyeyn lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug, Iyadoo dayactir lagu sameyn doono 2-KM oo kamid ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Sidoo kale, Qeybaha la dhigo Taxi-da iyo Aprone-ka Garoonka ayaa loo dhisi doonaa si casri ah, Waxaana garoonka laga dhigi doona mid ay kusoo dagi doonaan diyaaradaha Jet-ka ah.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, oo daah-furay dayac-tirka Garoonka ayaa sheegay in garoonka loo diyaarin doono si casri ah, si ay u caga dhigtaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah.

Munaasabadda daah-furka dayactirka iyo casriyeynta garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Guddoomiyaha gobalka Mudug, Maamulka degmada Gaalkacyo iyo Maamulka Shirkadda Waddaniga ah ee Kebarco oo ku guulaysatay dhisaysa garoonka.

Idilnews