VIDEO: Puntland oo saanad Ciidan ku wareejisay Galmudug (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Dowladda Galmudug oo uu matalayo Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug ku wareejinay bilowga Taakulada Dowladda Puntland uga qayb qaadanayso la Dagaalkanka Argagixisada Deeganada Bacaadwayne iyo Wisil ee Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamada Galmudug ay ka wadaan.

Munaasibadan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo ee Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Anagoo ka wakiil ah Dowladda Puntland waxaa Taakulo isugu jirta Shidaal iyo Raashin kuwareejinay Dowladda Galmudug oo uu wakiil kayahay Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug, kuwaas oo aan uga qayb qaadanayno la Dagaalanka Argagixisa ee Deegaanada Wasil iyo Bacaadwayne, waxay bilow utahay Taakulooyin kuwaan ka sii waawayn oo aan aanu lagarab taaganahay waalalahayo Galmudug “.