VIDEO: Rooble iyo Madoobe oo shir la qaatay Golaha Wasiirada Jubbaland iyo kuwa DFS (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada xil-gaarsiinta DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Dowlada Jubaland.

Shirkan waxaa ka qeybgalay xubnaha Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Jubaland oo isku dhaf ah iyadoo ay qeyb ka tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah iyo Jubaland.