Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal u dhexeeya Ciidanka Puntland iyo Daacish

Ciidamada PSF iyo Daraawiishta Puntland oo iskaashanaya,ayaa Weeraro aan kala joogsi lahayn ku ekeeyay kooxda Daacish Maalmihii lasoo dhaafay.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helayno Aaga dagaaladu ka socdaan,ayaa sheegaya in argagixisada laga sifeeyay Deegaamo badan oo ay ka mid yihiin,Dhabancado,Balishilin iyo Ceel Dhadhable.

Ciise Yulux oo ka barbar dagaalamayay kooxda argagixisada ah ee Daacish,ayaa faro cidi leh kaga baxsaday Ciidamada Puntland.

Ciise oo horay caan ugu ahaa Ganacsiga Suuqa Madow,ayaa guuray Deegaanka Xunbeys,waxayna warar sirdoon ii xaqiijiyeen i uu wato 8-Gaari iyo Ciidan gaaraya 60-Nin,waxuuna horay usii ka xeeyay hogaamiyaha Daacish iyo 3-Qof Ajaanib ah.

Dowlada,ayaa jartay isgaarsiinta Deegamadaas uu hawlgalku ka socdo.

Saraakiisha Ciidamada hogaaminaysa oo aan kula xiriiray khadka Satalaydka,ayaa ii xaqiijiyey in ay gacanta ku dhigeen maxaabiis fara badan iyo Talisyo fariisin u ahaa argagixisada.

Jibril Qoobey.