Finland oo soo masaafurinaysa muwaadin asalkiisu yahay Soomaali

Maxkamadda Sare ee dowladda Finland ayaa xukuntay in Laanta Socdaalka ee dalkeeda ay masaafurin karto nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, sababo la xiriira dambi uu galay awgeed.

Go’aankeeda, maxkamadda ayaa sheegtay inay jiraan sababo adag oo ku saabsan diidmada iyo masaafurinta ninka.

Shakhsigu wuxuu leeyahay rikoodh dambiyeed baaxad leh, markii lagu xukumay 11 dhac, xatooyo daran, gacan ka hadal, iyo jujuub inta udhaxeysa sanadihii 2010 iyo 2017, isagoo ku xukumay xabsiyo badan oo ay kujirto 18-bilood oo xabsi ah. Sidaas darteed, Maxkamadda Sare waxay xukuntay in sii joogitaankiisa Finland ay ka dhigan tahay khatar “bulshada iyo amniga” waxayna siisay iftiinka cagaaran ee dacwadaha masaafurinta.

Ninkaani wuxuu ku dhashay kuna noolaa noloshiisa oo dhan Finland, Wuxuu kaloo u sheegay maxkamada inuusan waligiis booqan Soomaaliya oo uusan aqoon cid ku nool.

Booliska ayaa markii hore soo jeediyay in la musaafuriyo ninkan sanadkii 2017-kii, Migri ayaa go’aansaday in la masaafuriyo wax yar kadib, iyagoo amrey in laga mamnuuco inuu soo galo deegaanka Schengen muddo saddex sano ah. Ninka ayaa marki hore racfaan ka qaatay go’aankan maxkamada maamulka kadibna maxkamada sare ee maamulka.

Maxkamadda ayaan soo bandhigin magaca ninkaan iyo sawirkiisa balse waxay sheegtay in ay shaacin doonto markii dib loo celiyo.