VIDEO: Jaamacad cusub oo laga dhagax dhigay deegaanka Bacaadweyn (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cadiladiif Muuse Nuur ayaa dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee ay yeelanayso Jaamacada Deegaanka Bacaadwayn ee Degmada Gaalkacyo.

Munaasibadan ayaa waxaa Goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Deegaanka Bacaadwayn, Ganacsato iyo Waxgarad.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo ka hadlay ayaa soodhaweeyey Dhismaha Cusub ee Jaamacada, isagoona balanqaaday 100-kiish ee ugu horeeyo oo shamiitada ab si ay ubilaabato horayna ugu socoto isku tashiga Bulsho ee dhismaha Jaamacadan lagu hirgalinayo.