Booliska Puntland oo khamri iyo xashiis ku gubay magaalada Gaalkacyo (VIDEO)

Ciidammada Booliska Gobalka Mudug ayaa ku gubay maanta fagaare khamri gaaraysa 100 dhalo iyo xashiis, ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo.

Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/dhexe Cabdi-siciid Xuseen Jaamac (Koomaad), oo saxaafadda kula hadlay fagaaraha lagu gubay khamrida iyo xashiiska, ayaa digniin u diray dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha, isagoona sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan.