Kooxda Taliban oo la wareegtay magaalooyin muhiim ah

Kooxda Taliban ayaa qabsatay marinada waaweyn ee xadka ay la wadaagaan Iran iyo Turkmenistan kadib howlgalo balaaran oo ay ka wadeen waqooyiga Afghanistan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Taliban waxay sheegeen inay qabsadeen laba magaalo oo muhiim ah oo kala ah Islam Qala oo u dhaw Iran, iyo Torghundi oo ku taalla xuduud xudduuda Afqanistaan Turkmenistan.

Saraakiisha Afghanistan waxay qireen in lagala wareegay Islam Qala iyo Torghundi, oo labaduba ku yaal gobolka Herat.

Ciidamada Afghanistan ayaa isku dayaya inay dib uqabsadaan labada magaalo ee xuduuda ku yaalla, sida uu sheegay afhayeen uhadlay dowlada.

Idilnews