Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Garbahaarey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay tagaan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Shalay degmada Garbahaareey waxaa gaaray wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ugi sii diyaariyaan soo dhaweynta iyo Odayaal dhaqan iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Madaxda Jubbaland, saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo siyaasiyiinta Jubbaland ee kasoo jeeda Gobolka Gedo iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Idilnews