Ra’iisul Wasarae Rooble oo gaaray magaalada Garbaharey (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Idilnews