Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir oo ka bad-baaday Qarax Ismiidaamin ah

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka badbaaday weerar is miidaamin ah oo gaari loo adeegsaday, oo lagu qaaday Kolonyo uu la socday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ka badbaaday taliyaha, balse uu khasaaro ku reebay dhismayaasha ku yaal Isgoyska Banaadir.

“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo ayaa lagu yiri” Qoraalka Booliska.o

Xilliga qaraxa lagu weerarayay Kolonyada Gaadiidka ee uu la socday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay marayeen wadada ka leexata Isgoyska Banaadir ee aada Isbitaalka Madiina, isla markaana hormarta Xerada Ciidamada ee Villa Baydhabo.

Goobo Ganacsi oo ka dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay ayaa burbur xooggan soo gaaray, sidoo kale  Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir ayuu qaraxa waxyeelo u geystay.